Wasiirka Amniga Puntland oo ka hadlay Qaraxii Maanta uu ka badbaaday

Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa faah faahin ka bixiyay Qaraxyo barqanimadii saakay Gobolka Beri lagula eegtay kolonyo uu la socday isaga iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Wasiir Gallan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxyada oo laba miino nooca dhulka lagu aaso ahaa uu qabsaday mid kamid ah gaadiidka uu la socday wafdigiisa oo saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Puntland, xili ay marayeen meel ku dhow degaanka Balli-dhadin.

Waxaa uu sheegay Wasiirka amniga Puntland in qaraxa uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askartii saarneyd gaarigaas, waxaana uu xaqiijiyay inuu ku dhintay hal Askari, halka laba kalena ay dhaawacmeen.

Dhaawacyada Askarta ayuu tilmaamay Wasiir Gallan in la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoona wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka ay horey u sii wateen socdaalkooda, kuna sii jeeday deegaanka Balli-dhadin.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka amniga Puntland ayuu qaraxii dhacay ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Daacish oo ku sugan deegaano ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xusay in uusan jirin khasaaro kale oo ka dhashay.

Wafdiga Wasiir Cabdisamad Gallan ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, kuwaasi oo dhammaantood ka badbaaday qaraxa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor