Qoorqoor oo gaaray Huurshe iyo Xeraale iyo Ujeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar xagga Dhulka ah ku tagay degaannada Huurshe iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Ujeedka Safarka Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu yahay sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii kal hore uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ,Xasan Cali Kheyre kala dhex dhigay Odayaasha dhaqanka ee degaannada Xeraale iyo Huurshe.

Inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay Xeeraale iyo Huurshe ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada , isagoo kala sheekeysan doona halka marayso xaaladda guud , waxaana sidoo kale lagu wadaa in uu booqdo degaanno kale oo ku yaalla Waqooyiga Gibolka Galgaduud.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media