War-saxaafadeed ka soo baxay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa waxaa looga hadlay Weerarkii Madaafiicda ahaa ee Maanta lagu qaaday Xarunta Ciidanka ee Xalane ee Muqdisho.
James Swan ayaa Cambaareeyay Weerarkii Al-shabaab ee ku qaadeen xarumaha Qaramada Midoobay iyo AMISOM ee ku yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Warka ka soo baxay James Swan ayaa waxaa lagu sheegay in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen gudaha Xarumaha UN-ka iyo AMISOM,iyadoona ay ku dhawacmeen dhowr ah.
“Waxaan si aad ah u Cambaareynayaa ficilkii Al-shabaab ay kula kacen shaqaalaheenna, ku waasoo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeeya arrimaha samafalka, dhismaha nabadda, iyo arrimaha horumarinta Nasiib wanaagse, inbadan oo shaqaalaheenna ah wax kuma noqon Weerarka. Waxaan u rajeynayaa asxaabteena dhaawacmay inay si deg deg ah uga soo kabsadaan dhaawacyadooda, ”ayuu yiri Mr. Swan.
Sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa tilmaamay Qaramada Midoobay wali ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto nabadda, xasilloonida iyo horumarka..
Si kastaba Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee Maanta lagu qaaday xarumaha Qaramada Midoobay iyo AMISOM ee ku yaalla Xalane ee Magaalada Muqdisho.