Hay’addaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada Soomaliya ayaa sheegay in gudaha Soomaaliya looga baahanyahay 710 milyan oo doollar si sara loogu qaado gurmadka, loogana hortago mashaqo bini’aadamnimo.
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’addaha Arrimaha bini’aadanimada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in todobaadkii lasoo dhaafay ay ku dhawaaqeen Hay’adaha Qorshaha Gurmadka Abaaraha,isla markaana waxaa ay hoosta xarriiqeen baahida loo qabo dhaqaale aan soo daahin si looga baaqsado in xaaladda bini’aadamnimo ay kasii darto.
Qorshuhu wuxuu dalbaday adduun lacageed oo gaaraya $710 milyan si caawinaad naf badbaadin ah loola gaaro 4.5 milyan oo Soomaali ah oo ay abaartu saameysay, muddada u dhaxeysa Maajo iyo Diseembar ee sannadkan.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka.