QM iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlayo Miisaaniyad-yarrida haysata Hawlgalka AMISOM.

Ergayga Gaarka ee Miodwga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Fransisco Medira ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay ku heli lahaayeen ilo ay ka helaan Maalgashiga AMISOM, kadib, markii ay EU-da jareen Dhaqaalihii ay ku taakuleyn jireen Hawlgalka AMISOM.

Ergayga waxa uu xaqiijiyey inay Wada-xaajood la leeyihiin QM, isla markaana ay rajo ka qabaan inay Dhaqaale ka helaan.

Ambassador Fransisco Medira2“Waxaan wada-xaajood la leenahay QM, waxaana jirta rajooyin inaan ka helno Xoog, waayo waxaan u baahanay taageero dheeraad ah” ayuu yiri Ergayga oo carrabka ku dhuftay inaysan jirin sababo ay ku joojiyaan Hawlgalka AMISOM.

Waxa uu intaasi ku daray inay dadka Soomaalida ka go’an tahay inay la dagaalamaan Alshabaab, isagoo carrabka ku dhuftay inay AMISOM joogi doonaan Somalia ilaa ay Soomaalida ismaamuli karaan.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo Miodwga Europe dhimeen mushaarkii  Ciiddanka AMISOM bilihii ugu dambeeyey, isla markaana la sheegay inuu mushaarkooda ka soo daahay muddo dhowr bilood ah.

Askari kasta oo ka tirsan AMISOM waxa uu mushaar ahaan bishiiba u qaadan jireen 1,028 Dollar, balse waxaa haatan laga dhigay mushaarkooda 828 Dollar bishiiba.

Waxaana jirta in Dowladaha ay ka soo jeedaan Askartaasi ay Askari kasta ka jaraan 200 Dollar bishiiba, taasi oo lagu shubayo Khasnadda Gaarka ee Milliteriga dalalkaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor