Ciidamo cusub oo la wareegay magaalada Buuhodle

Wararka ka imaanaya magaalada Buuhodle ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in ciidamo hore uga tirsanaa dowladii dhexe ee Soomaaliya ay la wareegen halkasi.

Ciidamadan oo dadka deegaanka u badan waxa ay ku dhawaaqen ineysan midkoodna raacsaneyn maamulada Puntland,Khaatumo iyo Somaliland.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidankan ay si qarsoodi ah uga talo qaatan maamul goboleedka Puntland,inkastoo weli aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Magaalada Buuhodle ee gobolka Togdheer ayuu muran weyn ka taagan yahay cida maamusha dhowr jeer ayayna isku qabten maamulada Khaatumo iyo Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor