Maanta waxaa xiran wadooyin muhiim ah oo ka mid ah kuwa Muqdisho,kuwaas oo lagu arkayo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Inta u dhaxeysa Suuqa Beerta ee degmada Waaberi iyo Isgoyska Ceel Gaabta ee degmada Xamarweyne,ayaa xiran waxaana loo diidayaa in ay isticmaalaan Gaadiidka noocyadooda kala duwan.
Macada sababta wadadaas loo xiray,iyada oo dadka Shacabka ah ay cagtooda maalayaan,waxaana la arkayay iyaga oo raxan raxan u socda,sida uu soo sheegayo wariyaheena Maxamed Cabdullaahi Baxnaaniye oo Wadadaas ku soo socdaalaya.