Qaxooti Soomaali ah oo lagu soo oogay inay si sharci-darro ah ku joogeen Kenya

Maxkamadda Degmadda Mandera ee W/bari Kenya waxaa shalay la soo taagay Labo Muwaadin Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Isaaq Barkow iyo Isaaq Cali Aadan, kuwaasi oo lagu soo oogay inay si sharci-darro ah ku joogeen Kenya.

Raggaasi ayaa la sheegay in bishan 12-dii lagu qabtay Mandera, iyadoo la sheegay inaysan wadanin wax Dukumentiyo sharci ah.

Labada Eedeysane ayaa u sheegay Xeer-beegtida Maxkamadda inay yihiin Qaxooti, inkastoo aysan soo bandhigin Dukumentiyo muujinayo sheegashadooda.

Maxkamadda Mandera wax go’aan ah kama gaarin Kiiska Eedeysanayaaha, waxayna amartay in Xabsiga lagu sii hayo, ilaa bishan July 30-da oo mar kale ay Dacwaddu dhegeysan doonto Kiiskooda.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor