Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Qaraxaan oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada Jabuuti,waxana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku geeriyooday hal askari oo ka tirsanaa Ciidamada Jabuuti halka laba kale ay ku dhaawacmeen sida ay Dalsan u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan.
Goobta Miinada ay kula qaraxday Kolonyada Ciidamada Jabuuti ayaa waxaa gaaray Ciidamo kale oo gurmad u sameeyey,waxaana lagu soo waramayaa in howlgal dad lagu qabqabtay ay sameeyeen Ciidamada qaraxa lala beegsaday.
Maamulka Cusub ee degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxaas Maanta degmadaas lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti ee ka mid ah howlgalka AMISOM.