Diyaarad siday Maandooriye oo lagu qabtay Garoon ku yaalla Nairobi

Mas’uuliyiinta Waaxda Cabshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magalada Nairobi ayaa Maanta waxa ay qabteen Diyaarad siday Daroogo ama Maandooriye.

Saraakiisha Garoonka ayaa waxa ay sheegeen in Maandooriyaha ay ku kaceyso kaceysa 2.9 milyan oo shilinka Kenya ah,isla markaana laga keenay dalka Uganda.

Masuuliyiin ka socda laanta canshuuraha ee KRA waxa ay sheegeen in maandooriyahaas si qarsoodi ah Diyaarad siday Dawo loogu soo daray,loona waday dalka Nigeria.

“Waxaa loo soo dhiibay shirkada DHL ee alaabada safrisa. Waxaa daroogadaasi loo gudbiyay booliska maandooriyeha ka hortaga baaris dheer ayaana ku heynaa ayuu yiri sarkaal ka tirsan Waaxda Canshuraha Garoonka Jomo Kenyata.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor