Waxaa faah faahino dheeraad laga helayaa Qarax ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,kaasi oo geystay Khasaaro kala duwan
Qaraxaasi oo jugtiisa oo si weyn looga maqlay Magaalada ayaa waxaa uu ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobolka Bari eek u taalla halkaasi.
Ugu yaraan 7 ruux oo isugu jira dad shacab ah, shaqaale iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Maxkamadda ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi,kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka Boosaaso si loogu dabiibyo xaaladooda Caafimaad,isla markaana waxaa ku jiro dad qaba dhaawacyo culus.
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in qaraxaas lala eegtay Gaari uu leeyahay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Bari, Abukar Cabdinaasir,kaasi oo haatan ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay falal amniga daro ah,iyadoo todobaadyo kahor ay ka dhaceen Qaraxyo is xig-xigay,kuwaasi oo lagu weeraray Guryo ay halkaasi ka degan yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland.
Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Boosaaso oo ay uga hadlayaan qaraxii Maanta halkaasi ka dhacay,welina jirto cid sheegatay Mas’uuliyadiisa.