Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax galabta ka dhacay Dagmadda Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose , Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare kala duwan.
Qaraxa oo ahaa miinadda nooca dulka lagu aaso ayaa ka dhacay meel u dhow xerada Danab ee galbeedka dagmadaasi. Waxaana jugtiisa laga maqlay degaanada ka agdhaw degmada Awdheegle.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa geeriyoodey seddax kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida la sheegay, waxaana mas’uuliyiinta degmadaasi ay sheegeen in khasaare uu jiro.
Ciidamadda xoogga ee jooga dagmadaas ayaa Hadda baaritaano wada, waxaana ay howlgallo ay ka billaabeen aagga qaraxu ka dhacay.