Madaxweynihii hore Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shacabka iyo hoggaanka Maamulkaas u diray hambalyo ku aaddan maalinta loo asteeyay aas-aaska Galmudug.
Waxaa uu sheegay in maamulka Galmudug ay ka mid ahaayeen maamuladii dalka kasoo saray ku meel gaarka, waxaana uu ugu hambalyeeyay maamlinta u khaaska ah shacabka Galmudug.
“Shacabka iyo hagaanka Galmudug waxaan ugu Hambalyeenayaa sanad guurada 14-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay Maamulka Galmudug sanadkii 2006. Galmudug waxa ay ka mid aheyd maamuladii ku meel gaarka ahaa ee dalka ka dhisnaa ee wax ka ansixiyay dastuurka” ayuu yiri Maadxweynihii hore Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Maamulka Galmudug ayaa maanta u dabbaal degaya 14-ka bisha 8aad oo u astaysan in ay tahay aas-aaskii maamulka Galmudug, waxana deganada mamulkaas ka socda munaasabado loogu dabbaal degayo sanad guurada 14aad Maamul Goboleedka Galmudug.