Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo faah faahin kasoo baxeysa

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay Qarax Jugta siweyn loo maqlay inta badan Xaafadaha Magaaladaas.

Qaraxaas oo ahaa miino ayaa waxaa lagu xiray Guri Dabaq ah oo ku yaalla Xaafadda luga baxsi ee Magaalada Kismaayo, isla markaana waxaa gurigaas la ahaa Ganacsade Caan ah oo halkaas laga yaqaano.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Gurigaas uu leeyahay Ganacsade lagu magacaabo Cabdullaahi Gaari, waxaana la tilmaamay in Guriga dabaqa ahaa uu qeyb kamid ah uu soo gaaray burbur xoogan.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa tegay guriga qaraxu uu ka dhacay, iyagoo intaas kadib halkaas ka sameeyay howlgalo kala duwan oo baaritaano ah.

Ma jiro Khasaaro nafeed oo ah dhashay qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, iyadoo la xusay in Guriga aysan cidna daganeyn, hayeeshee waxaa soo gaaray burbur xoogan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media