Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay fiidkii hore waxaa uu ka dhacay degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin meel ku dhow Buundada degmada Buurdhubo, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal kooban.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayeenn, wallow markii dambe uu dagaalka istaagay, xaaladana ay si caadi ah kusoo laabatay.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali oo la hadlay VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka dowladda ay iska caabiyeen weerarkii xalay kaga yimid dhanka Al-shabaab.
Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka amniga Degmada ayaa waxaa uu tilmaamay in dagaalkaas uu ahaa mid kooban, isla markaana uusan jirin Khasaaro ka dhashay, ayna iska difaaceen weerarkii lagu soo qaaday.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer Saldhigyo Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada dalka waxaa ay ku qaadeen weeraro kala duwan, kuwaasi oo qaarkood ay ka dhasheen Khasaarooyin kala duwan.