Qarax ka dhacay Addis Ababa oo ay dad ku dhinteen

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Booliska ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay qalalaasaha ka dhacay Itoobiya ay haatan gaartay 80 kaddib dilkii loo geystay fanaanka ka caanka ah dalkaas Hachalu Hundesa.

Waxaana lagu soo warramayaa in dibadbaxyaal careysan ay isugu soo baxeen waddooyinka kuwaas oo codsanaya in xabsiga laga soo daayo Jawar Maxamed.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in dibadbaxyadu ay rabshado kale ka dhashaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media