Axmed Karaash oo Safar caafimaad ugu baxay dalka Turkiga

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa safar caafimaad ugu baxay dalka dibadiisa, isagoo safarkan kutagaya dalka Turkiga, sida lagasoo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa labadii Todobaad ee lasoo dhaafay qorsheynayay  safarka waana baaritaan caafimaad iyo balan dhakhtar, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ugu dhaw ee Axmed Karaash.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo saraakiil sar sare ayaa garoonka kusii dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka iyada oo ilaa iyo haatana aan xoga dheeraad laga bixin socdaalkiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media