Qarax xoogan ayaa galinkii dambe ee Jimcihii maanta waxa uu ka dhacay meel ku dhaw xerada Koongo ee Magaalada Kismaayo,qof isu soo miidaamiyay ayaa qaraxaas fuliyay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubaland.
Qaraxa ayaa geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac,labo qof ayaa ku dhawaawantay oo la sheegay in ay shacab ahaayeen,waxaana loo qaaday isbitaalada Magaalada Kismaayo
Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in ismiidaamiyiin oo kaliya qaraxaas uu ku geeriyooday,howlgalo ayaana ka bilaaday nawaaxiga goobta uu qaraxa uu ka dhacay.