Maamulka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay wadaan qorshe cusub oo dib u dhis ballaaran loogu sameeynayo Garoonka diyaaradaha Badaweyne ee Ugaas Khaliif International Airport.
Maxamed Axmed Ibraahim Food Cadde oo ah Guddoomiyaha Baladweyne oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa u sheegay inay haatan qorsheynayan maamulka iyo Shacabka Gobolka sidii dib u dhis ugu sameeyn lahaayeen Garoonka oo mararka qaar ay xiraan Biyaha Roobabka ka da’a halkaasi.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye Food Cadde in iyaga oo iskaashanaya maamulka,Shacabka iyo Ganacsatada ay si awood ah ku dhisi doonaan Ugaas Khaliif International Airport.
Wuxuu Bulshada kunool Gobolka Hiiraan ugu baaqay inay ka qeyb qaatan dhismaha Garoonka,isla markaana waxaa uu tilmaamay in howsha si deg deg ah loo bilaabi doono markii laga baxo Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Dhawaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Badaweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Ugaas Khaliif International Airport saameyn ku yeeshay daadad kusoo rogmaday,kadib markii Roobab xoogan ay ka da’een Magaalada Baladweyne iyo deegaano hoostaga,iyadoona ay joogsadeen Shaqooyinkii ka socday Garoonka.
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baladweyne.