Qarax Dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Lafoole (Sawirro)

Inkabadan 14-qof ayaa ku dhintay tiro intaasi kabadana waa ay ku dhaawacmeen kadib qarax Miino oo qabsaday Gaari nuuca shacabka ay raacaan oo loo yaqaano hoomey kaas oo marayay deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa waxaa uu haleelay gaariga oo kasoo ambabaxay magaaladda muqdisho kuna wajahnaa Afgooye.

Dadka ku dhaawacmay Qaraxaan waxaa loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Aabo iyo Labo caruur ah oo uu dhalay.

1 2 3 4 5 6 7

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor