War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa looga hadlay qaraxii maanta ka dhacay Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Warka Madasha Xisbiyada ayaa tacsi loogu diray Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadki ehelkooda ku dhintay qaarna ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Madasha Qaran ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay la timaad qorshe lagu sugi karo amniga dalka, waxaana laga digay in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho lagu sii hayo caburinta iyo jidadka xiran, taa beddelkeedna dowladdu ay la timaad istiraatiijiyad ka duwan tii lagu soo fashilmay seddexdi sano ee la soo dhaafay.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada.