Qaramada midoobay oo  war kasoo saartay ansixinta Ra’iisul-wasaaraha cusub ee dalka

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweymeyso, isla markaana ay hambalyo u dirayso Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta codka kalsoonida ka helay Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Bahda Qarmada Midoobay ayaa hambalyo diiran u diraysa Maxamed Xuseen Rooble oo si rasmi ah u xaqiijiyay inuu yahay Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya, waxayna u rajaynayaan guul xilli uu bilaabayo doorkiisa hoggaamineed ee muhiimka ah waqtigan xasaasiga u ah Soomaaliya, waxayna Qaramada Midoobay ballan qaaddaysaa inay garab istaagayso, iskaashina la samaynayso Ra’iisul Wasaaraha cusub” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media