Qoorqoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb iyo soo dhaweeyn loo sameeyay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Maxamed Gacal ayaa galabta garoonka diyaaraha magaalada Sama-reeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo howlo shaqo u jooga Muqdisho.

Sidoo kale soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Maamulka Caasimada Sama-reeb iyo qeybaha kale ee bulshada.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa dhawaanahaan waxaa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxana uu ka qayb galay Shirkii Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay ee u dhexeeyay madaxda dowladda dhexe iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, waxana shirkaas waxyaabihii kasoo baxay ka mid ahaa nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta oo heshiis laga gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media