Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Dad Muruqmaal ah oo Dhisme ku dumay

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay kadib markii uu dhisme ku dumay dad Muruqmaal ah, kuwaas o la sheegay in ay dhisayeen Dhismaha dumay, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Inta la    Xaqiijiyay seddex ruux ayaa ku dhimatay halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen, Dhismaha duwamay.

dhacdada ayaa ka dhacday Magaalada Tog-wajaale, waxaana dadkii dhaawacmay loola cararay Cusbitaalada ku yaalla magaaladaas.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dadka dhintay uu ka mid ahaa qofkii lahaa dhismaha la dhisaayay.

Wali maamulka Magaalada Wax war ah kama soo saarin dadka ku dhintay Dhismaha dumay iyo waxa sababay in uu dumo Dhismahaasi, balse warar kaal duwan ayaa kasoo baxaya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media