Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay duufaantii iyo roobabkii xooganaa ee shalay ku dhuftay deegaano ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed,
Qaramada Midoobay ayaa sheegay in duufaantii ku dhufatay Gobolada Gardafuu iyo Karkaar ee Puntland ay saameysay 70,000 qof oo kamid ah dadka deegaanka Goboladaas, xili duufaantaas ay aheyd mid ku socotay xawaare sare.
Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay in 15,000 qof oo ku noolaa 13 deegaan oo hoostega Magaalada Boosaaso ay ku barakaceen daadadkii ku rogmaday halkaas, isla markaana ay ku sugan yihiin xaalad adeg.
Waxaa kaloo Qaramada Midoobay ay tilmaamay in gargaar deg deg ah ay u baahan yihiin dadkii saameeysay duufaanta iyo kuwii ku barakacay roobabkii xooganaa ee shalay ka da’ayay deegaano ka tirsan Puntland.
7 qof oo yemeniyiin ah ayaa ku geeriyooday duufaantii ku dhufatay Gobolka Karkaar, halka ay ku dhaawacmeen 4 oo ay ku jiraan xoolo dhaqato, welina la la’yahay kalluumeysato isugu jiray Ajaanib iyo Soomaali ah, sidoo kalena ay dabeysha burburisay guryo dhowr ah, isla markaana waxaa go’an Isgaarsiintii Gobolada Karkaar iyo Gardafuu.