Maydadka ilaa 200 qof oo y ku jiraan kuwo ay Kooxda Daacish disay ayaa laga helay meel ku dhow magaalladda Raqah ee Bartamaha dalkaasi.
Yaasir al-khamiis oo ka tirsan Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee Syria ayaa sheegay inay maydadkaasi ku jiraan rag da’ dhexaad ah oo madaxa laga toogtay iyo 3 Haween oo la rumeysan yahay inay Kooxda Daacish ku dileen dhagax.
Waxa uu tilmaamay inay rumeysan yihiin in maydadka la helay la dilay muddo hataan laga joogo wax ka badan 2-sanno, wuxuuna intaasi ku daray inaysan Kooxdiisa awoodin inay aqoonsadaan maydadkaasi.
Qabri-qodayaasha dib u soo fagay maydadkaasi waxay sheegeen inay qabuur-wadareedkii ugu horreeyey bilowgii bishii hore ka heleen cirifka Koonfureed ee magaalladda Raqa oo horey Caasimad u ahayd Kooxda Daacish, isla markaana laga yaabo in lagu aasay in ka badan 800 oo qof.
Bishii Feberaayo ee sannadkan, waxaa Qabuur-wadareed lagu aasay qiyaastii 3,500 oo qof laga gelay dhul-beereedkaAl-fukheykha ee magaalladda Raqa o oay Maleeshiyadda Kooxda Daacish waxay si buuxda u maamuli jireen bilowgii sannadkii 2014-kii ilaa bishii October ee sannadkii 2017-kii.