Siyaasiga David Maria Sassoli oo ka tirsan Xisbiga Soshal Dimuqraadig (Social-Democrat )ee dalka Talyaaniga ayaa ku guuleystay Tartankii Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Europe ee European Parliament.
Â
Xildhibaanadda Barlamaanka Europe waxay qabteen Wareeg 2-aad oo Cod-bixinta Guddoomiyaha Cusub, kadib, markii ay Afarta Murashax ka heli waayeen tiradii loo baahnaa Wareegii 1-aad ee Cod-bixinta.
Â
Doorashadaasi oo maanta lagu qabtay Xarunta Barlamaanka Europe oo ku taalla magaalladda Strassbourg ee dalka Faransiiska ayaa waxa uu Siyaasiga David Maria Sassoli helay 345 cod, halka Murashaxa 1-aad ee ku xigay ee Jan Zahradil oo u dhashay dalka Jambuuriyadda Czech uu helay 160 cod.
Â
Murashaxa kaalinta 3-aad galay ayaa ahaa Ska Keller oo u dhalatay dalka Jarmalka oo heshay 119 cod.Â
Â
Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Europe oo horey Saxafi TV ahaa waxaa uu Aragti wanaagsan ku dhex leeyhay dalka Talyaaniga, balse, caan kama ah Caalamka.
Â
Waxa uu sheegay inay Europe xoog yeelan karto, marka uu Barlamaanku door muhiim ah ka ciyaaro arrimaha Europe.
Â