Xarunta Madaxtooyadda Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Goordhow waxaa si rasmi ah uga furmi doona Shir wadatashi ah oo ay yeelanayaan Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.
Wariyeyaal ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in Xarunta Madaxtooyada ay haatan ka socoto qaban-qaabadii ugu daambeeysay ee uu ku furmayo shirka, waxaana shirkaas looga hadli doono.
Shirkaas oo maanta gelinka dambe ee Maanta lasoo gaba-gabeyn doono ayaa looga hadli doonaa xoojinta shirarkii Dhuusamareeb, iskaashiga saddexda maamul Goboleed, ka hortega falalka waxa loogu yeero Argagixisada iyo Arrimo kale oo la qorsheeyay.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa daqiiqado kadib tegi doona Magaalada Baydhabo, waxaana halkaas uu uga qeyb galayaa shirka saddexda Maamul Goboleed.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay gaaray Baydhabo, isla markaana waxaa xalay kulan gaar ah uu la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Lafta-gateen, iyagoo ka wada hadlay arrimo gaar u ahaa.
Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyadda Koonfur Galbeed.