Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa Madaxweyne Qoorqoor waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Wasiiro, Xildhibaano iyo dadweyne farabadan.
Intaas kadib Madaxweynaha Galmudug iyo wafdiga la socday ayaa waxaa loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyadda, waxaana Baydhabo uu u tegay ka qeyb galka shirka Madaxda Madaxweyneyaasha Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Xarunta Madaxtooyada ayaa haatan waxaa ka socoto qaban-qaabadii ugu daambeeysay ee uu ku furmayo shirkaas, waxaana looga hadli doonaa xoojinta shirarkii Dhuusamareeb, iskaashiga saddexda maamul Goboleed, ka hortega falalka waxa loogu yeero Argagixisada iyo Arrimo kale oo la qorsheeyay.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay gaaray Baydhabo, isla markaana waxaa xalay kulan gaar ah uu la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Lafta-gateen, iyagoo ka wada hadlay arrimo gaar u ahaa.
Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyadda Koonfur Galbeed.