Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran,waxaana lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Isgoysyada qaar ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan wadada,iyadoo dadka qaar ay lugeynayaan.
Ciidamada dowladda isgoysyada ay xireen ayaa waxaa kamid ah, Isgoyska Tarabuunka,Taleex Banaadir, iyo Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Janeraal Kaahiye ee ku taalla Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Sababta loo xiray Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa ah Xaflada furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta lagu wado in si rasmi ah loo furo,kadib markii muddooyinkii dambe uu fasax ku jiray.
Inta badan Shacabka kunool Muqdisho ayaa dhibaatooyinka kala kulma xiliyadda ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada.