Dowladda Kenya ayaa qorsheynayso inay dhowr bilood kadib albaabadda u laabto Xeradda Dhadhaab oo hoy u ah ilaa 250,000 oo Qaxooti u badan Soomaali.
Wakaalladda Wararka ee AFP oo aragtay Dukumenti ay Dowladda Kenya u dirtay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR bishii la soo dhaafay ee Feberaayo 28-dii ayaa lagu sheegay inay Dowladda Kenya doonayso inay Xeradaasi albaabadda u laabaan dabayaaqada bisha August ee sannadkan.
Qoraalka Dowladda Kenya u dirtay Hay’adda UNHCR o oku taariikheysnayd bishii Feberaayo 19-dii waxaa UNHCR laga codsaday inay Qaxootiga iyo dadka magangelyo-doonka u qorsheyso Dib-u-dejin kale.
Dukumentiga waxaa lagu muujiyey inay Qaxootiga doonaya dib loogu celinayo dalalkodoa hooyo, halka kuwa kalena dib loo dejin doono qeybo ka tirsan Kenya ama Dal 3-aad oo qaabili doona Qaxootiga.
Mid ka mid ah Shaqaalaha Hay’addaha Smaafalka ee ka hawlgala Xeradda Dhadhaab waxa uu u xaqiijiyey Wakaalladda Wararka AFPinay dhamaan Hay’addaha Calaamiga ku baraarugsan yihiin qorshaha lagu xiray Xeradda Dhadhaab.
Si kastaba ha ahaatee Xeradaasi oo furnayd muddo 30-sanno ah ayaa waxaa horey loogu aqoonsaday Xeradda Qaxootiga ee ugu ballaaran Caalamka, waxayna marti gelisay 580,000 oo Qaxooti, balse Xeradda Qaxootiga ee haatan ugu weyn Calaamka ayaa waxay ku taalla dalka Bangaladesh, waxayna hoy u tahay 600,000 oo Qaxootiga MuslimiintaRohingya ee ka soo cararay dalka Mayanmaar.