Waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ay yihiin kuwo xiran, iyadoo loo diidayo inay isticmaaladan gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay saaran yihiin dadweynaha iyo kuwo gaarka loo leeyahay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayaa waddooyinka iyaga oo taagan, isla markaana diidaya in la maro, waxaana ay u ogal yihiin oo kaliya gaadiidka ay la socdaan Ciidanka iyo Mas’uuliyiinta dowladda.
Isgoysyada xiran ayaa ka mid ah kuwa ku teedsan wadada Maka Al-mukarama sida, Banaadir, Soobe, Taleex, Tarabuunka iyo Waddooyin kale oo muhiim u ah isku socodka gaadiida iyo dadka.
Dadka ayaa saakay ah kuwa Cagtooda maalaya, isla markaan howlahooda shaqo iyo mida waxbarasho intaba ku tegaya lugta, waxaana lagu arkayaa iyaga oo socdaal ku maraya hareeraha laamiyada Caasimadda.
Lama oga sababta loo xiray waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan xirnaasha waddooyinka.
Inta badan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir ayaa dhibaatooyin ku qaba xiliyada ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoona goobahooda Ganacsiga iyo Waxbarashada ku tega Cagtooda.