Wasiirka Wasaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda degmada Wanla-weyn ee Gobolka Sh/Hoose.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Wanla-weyn loogu magacaabay Cabdiqaadir Abuukar Cabdulle, wuxuuna bedelayaa Guddoomiye ku-xigeenkii hore.
Magacaabista Cabdiqaadir Abuukar ayaa ku timid kadib markii la arkay baahida loo qabo in la helo Guddoomiye ku-xigeen Cusub oo dardar-gelin kara howlaha shaqo ee horyaalla degmada Wanla-weyn.
Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay Aweys C/llaahi Cumar u magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee degmadaas.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista ee kasoo baxday Maxamed Abuukar.