Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa hadalkaasi ku sheegay Khudbad uu ka jeediyey Telefishinka, wuxuuna xusay in Qaxootiga ku gudba Nidaamka Baatritaanka loo ballan qaadayo Dhalashadda Turkishka.
Waxa uu intaasi ku daray inay Hayโadaha Ammaanka baaritaano ku samayn doonaan Malaayiinta qof ee ka soo cararay dagaalladda ka socda dalalkooda hooyo, si loo eego haddii ay u qalmaan inay noqdaan Muwaadiniin Turkish ah.
Ma sheegin tirada Qaxotiga la siinayo Dhalashadda, wuxuuse carrabka ku dhuftay inay jiraan Qaxooti Xirfadlayaal leh oo u baahan in sharci looga dhigo shaqadooda.
ยฉRadio Dalsan