Qaali Cali Shire oo kusoo baxday Doorashada kursiga ugu adkaa ee Golaha Shacabka

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xalay ka dhacday doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, waxaana kursigaas doorashadiisa uu ahaa midkii ugu adkaa ee la qabtay.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP060 oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiday Ubax Tahliil Faarax ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax haween ah, isla markaana doorashada oo adkeyd waxaa la isla aaday wareeg labaad oo loo baahday, si loo kala baxo.

Doorashada wareega 1-aad ayaa waxaa ku haray laba Musharax oo kala ahaa Hodan Cabdullaahi Shire oo heshay 17 Cod iyo Ayaan Xuseen Xasan oo heshay 8 Cod, waxaana wareega labaad u gudbay Ubax Tahliil Warsame oo heshay 44 Cod iyo Qaali Cali Shire oo heshay 32 Cod.

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP060 ee Golaha Shacabka ayaa waxaa kusoo baxday oo ku guuleysatay Qaali Cali Shire oo heshay 61 Cod, halka Ubax Tahliil Warsame oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiday kursiga ay heshay 40 Cod.

Gelinkii hore ee shalay subax ayaa lagu wady in la qabto doorshada kursigan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, balse dib ayey u dhacday saacado badan ka dib markii uu hareeyey muran ka dhashay ergada la soo xulay oo ka dhexeeyey Musharaxiinta qaar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor