Guddiga doorashada SEIT ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyey inuu dib u dhac ku yimid Jadwalkii soo gudbinta Guddigu xulista ergada 11 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne.
Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa waxaa dhammaan daneeyaasha Doorashada lagu Ogeysiiyey in dib u dhac uu ku yimid Jadwalkii soo gudbinta Guddigu Xulista ergada, sababo farsamo awgeed.
Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay inay dib kasoo shaacin doonaan Jadwal kale oo ku aadan soo gudbinta Guddigu xulista ergada 11 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaasi oo doorashadooda lagu waday inay dhacdo maalinta berri Magaalada Baladweyne.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad ay ka taagan tahay kuraasta qaarkood ee Guddiga soo saaray, isla markaana la sheegay in kuraasta qaar loo xiray xubno Musharaxiin ah, taasina ay keentay inuu dib u dhac ku yimaado Jadwalka lasoo saaray.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa lagu doortay Xildhibaano dhowr ah oo kamid noqday Golaha Shacabka, sidoo kalena weli ay ku harsan yihiin Xildhibaano kale oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne.