Afhayeenka Madaxtooyadda Keremilinka ee Raashiya, Dimitri Peskov ayaa sheegy inay Valadamir Putin iyo Donald Trump ku wada xiriiri doonaan Telefoonka maanta saacadda markay tahay 12:30 duhurnimo ee Xilliga Eastern Daylight Time ee EDT oo u dhiganta 07:30 Fiidnimo ee Caawa ee Xilliga Muqdisho.
Dhinca kale, Sarkaal u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa xaqiijiyey inay Labada Hoggaamiye ka wada hadli doonaan Dagaalka Sokeeye ee Syria.
Dowladda Raashiya taageerto Dowladda Madaxweyne Bashaar Al-asad, halka ay Dowladda Maraykanka  taageerto Kooxaha ku kacsan Dowladda Syria.
©Radio Dalsan