Qoraal maanta ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaalinta ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Boliska xireen Ninkaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay Xarakadda Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Eedeysanaha oo 22-jir Arbacadii hore lagu qabtay Degmadda Sint-Oedenrode oo ku taalla Koonfurta dalkaasi.
Warbixinta lagu soo xiray Ninkaasi ayaa la sheegay inay soo gudbiyeen Hay’adda Sirdoonka Guud iyo Hawlaha Ammaanka ee dalkaasi “The Netherlands’ General Intelligence and Security Serviceâ€.
Warkan oo ay baahisay Wakaalladda Wararka AP ayaa lagu sheegay iinaysan Xeer-ilaalinta dalkaasi shaacinin magaca Ninka la xiray oo la tilmaamay in lagu tuhunsan yahay inuu door firfircoon ku lahaa Dagaalamayaasha Alshabaab ee ka hawlgala Koonfurta Somalia tan iyo sannadkii hore, waa sida hadalka loo dhigay.
Afhayeenka Xeer-ilaalinta dalka Holland, Wim de Bruin ayaa sheegay in la qorsheynayo in Eedeysanaha soo muuqo, ka hor Baaritaanka uu wado Garsoore ku sugan magaalladda Rotterdam.
Dacwad-oogayaasha ayaa doonaya in uu Garsooraha uu kordhiyo xilliga la sii hayn karo Eedeysanaha inta laga soo dhamaystirayo dhaqdhaqaaqa Baaritaankiisa ee haatan socda.
©Radio Dalsan
Â