Puntland oo xukuno ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dembiyadda Culus ee Gobalada Bari, Sanaag, Karkaar, Gardafuu iyo Heylaan ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku riday xubno lagu eedeeyay inay ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

Raggaas oo gaarayay 5 ruux ayaa waxaa Ciidanka amniga Puntland ay ku qabteen howlgal qorsheysan, iyagoo xiligaas ka tilmaamay inay wadeen falal ami darro, waxaana maalmihii lasoo dhaafay socotay Maxkamadeyntooda.

Xeer Ilaaliyada Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Shanta Gobol Gaashanle Maxamed Xuseen Axmed ayaa Maxkamadda ka dalbaday in raggaas xukuno adeg lagu riday, kadib markii uu sheegay in raggaas ay deegaanadooda uga soo tageen inay dhibaateeyaan dadka ku dhaqan Puntland.

Maxkamadda ayaa Maxamuud Maxamed Saciid kabtan Boorash ku xukuntay dil toogasho ah, halka Eedeysanayaasha kala ah Xasan Moosow Cali Ibraahim, Cabdixakiin Cali Maxamed iyo Xuseen Cabduqaadir Maxamed shaafici ay ku xukuntay min 20 sanno oo xarig ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dembiyadda Culus ee Gobalada Bari, Sanaag, Karkaar, Gardafuu iyo Heylaan Gaashaanle Ibraahim Bile Maxamed oo fadhiga Maxkamadda soo xiray ayaa sheegay in Cabdiqafaar Saciid Yuusf Aadan lagu riday xukun ah 15 sanno xabsi ah.

Puntland ayaa horey xukuno isugu jiray dil toogasho ah iyo xabsi Ciidan ah ku riday xubno lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo Daacish oo Puntland ay dagaal kula jirto isla markaana ku sugan deegaano Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media