Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah-faahin kasoo baxeysa

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa gudaha Magaalada Muqdisho saakay ku dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xidigle Buulle Xuseen, waxaana la sheegay in rasaas dhowr ah looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, isagoona goobta ku geeriyooday.

Raggii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa sida caadada aheyd halkaas daqiiqado kadib tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, iyagoona qaaday Meydka Sarkaalka.

Marxuum Buulle ayaa waxaa uu kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska dowladda ee u xil saarnaa sugida amniga Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan inta badan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana falalkaas sheegta Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media