Digniin loo diray Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee degan Dharkeenley

Guddoomiyaha degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir Guhaad Sheekh Xasan ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee degmadiisa iyo howlgalo qorsheysan oo Ciidanka ay ka sameeyeen halkaas.

Guddoomiye Guhaad oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in amniga Dharkeenley la dardar gelin doono, isagoo xusay in aan marnaba maamulka uusan aqbali doonin kooxaha hubeysan ee dhaca ka geysta degmadiisa.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha ayaa waxaa uu Saraakiisha Ciidanka dowladda ee degan Dharkeenley uga digay in ciidankooda u Ilaalada ah ay hub ku dhex wataan gudaha degmada, isla markaana looga baahan yahay inay Ciidanka ku heystaan Guriyahooda.

Sidoo kale Guddoomiye Guhaad ayaa tilmaamay in haddii fal dil ah uu ka dhaco agagaarka Guryahay ay Dharkeenley ka degan yihiin Saraakiisha Ciidanka dowladda ay Saraakiisha qaadi doonaan Mas’uuliyada falkaas.

Ugu dambeyn Guhaad Sheekh Xasan ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay Degmada lagu soo qabtay rag falal amni darro ah ka waday gudaha Dharkeenley, kuwaasi oo xabsiga la dhigay.

Si kastaba hadalka Guddoomiye Guhaad Sheekh Xasan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhowr jeer dad shacab ah dhac loogu geystay xaafaddo ka tirsan Dharkeenley, isla markaana dadka qaarkood la dilay, kadibna dhac loo geystay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media