Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhawaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku qabtay laba ruux iyo Sheekh Caan ah oo kamid ahaa Imaamyada Masaajidda ku yaalla halkaas.
Dadkan ay qabteen Ciidanka Puntland ayaa waxaa la sheegay in Gaalkacyo ay uga dhawaaqeen Go’aan ah ku dhaqanka xukunka Shareecada Islaamka,kadib markii halkaasi ay ku qabteen shir looga hadlayay arrimahaas.
Shirkan ayaa waxaa loo qabtay hab beel ahaan,isla markaana waxaa dadkii goobta ka hadlay ay tilmaameen in Beesheedu qaadatay xukunka Shareecada Islaamka,iyagoona baaq u diray dadka shacabka.
Ciidanka amniga Puntland ayaa Saddexda ruux ay xireen waxaa lagu kala magacaabaa Sheekh Siciid Cabdiraxmaan, Deeq Cabdi Cabdulle oo ah Nin nabadoon iyo Maxamed Yaasiin Caabi oo Ganacsade ah,kuwaasi ayaa la xusay inay ka qeyb qaateen soo abaabulida Shirkii ka dhacay Gaalkacyo,isla markaana waxaa dadkaas loo gudbiyay Xabsi ku yaalla Magaalada Boosaaso.