Puntland oo War kasoo saartay dilkii loo geystay Taliyihii Saldhiga degmada Qardho

Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland Sarreeyo Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa ka hadlay dilkii xalay loo geystay Cumar Hiiraad Kaatuun oo ahaa Taliyihii Booliska Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland.

Qoraal uu soo saaray Taliye Maxamed Cali ayaa waxaa marka hore tacsi loogu diray Taliyihii saldhiga degmada Qardho Cumar Hiiraad oo kooxo hubeysan oo Isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya ay ku dileen gudaha Qardho, kadib weerar lagu qaaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyay in laamaha amniga Maamulka ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sababta keentay dilka loo geystay Taliyaha, oo xiligaas la dilayay la sheegay inuu howlgal ku jiray.

“Allaha unaxriisto Taliyihii saldhiga Degmadda Qardho Dhamme Cumar Hiiraad Kaatuun oo saakay ku geeriyooday magaalada Qardho, waxaan tiiranyada Geerida la wadaagayaa dhamaan Bulshada si gaara, waxaan ugu tacsiyeynayaa xaaska iyo caruurta” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Taliye Sareeyo Guuto Maxamed Cali Xaashi  ayaa intaas kusii daray hadalkiisa in markii uu soo dhammaado baaritaanka socda ay shacabka la wadaagi doonaan Natiijada kasoo baxda baarista ay wadaan laamaha amniga Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar ee Puntland.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: