Madaxweynaha Somaliland “Waa arrin mucjiso ah tallaabadii uu shirka uga baxay Safiir Tarsan”

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa arrin ugub ah ku tilmaamay shirkii uu isaga baxay safiirka Soomaaliya ee Kenya, isla markaana sheegay in aysan aqbaleyn, sida uu baahiyay teleefishinka Somaliland.

“Ninkii safiirka u ahaa Soomaaliya shirkaa, wuu ka carooday wuu isaga baxay isaga oo leh aniga iyo Somaliland meel ma wada fariisan karno, waa arrin ugub ah”.

“Laakiin waa arrin mucjiso ah oo aysan Somaliland qaadan karin” ayuu yiri Muuse Biixi.

Hadalkan kasoo baxay Somaliland ayaa imaanaya xilli shalay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya.

Sababta keentay inuu shirka kabaxo Safiir ah ayaa aheyd, ka dib markii uu kulankaasi ku arkay mas’uuliyiin matalayay Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya, in kastoo ay raalli-gelin ka bixisay dowladda Kenya tallaabada ay qaaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor