Puntland oo soo saartay Amar lagu xoojinayo Qorista Af-Soomaaliga

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Bulshada kunool deegaanada maamulkeeda ku amartay inay bedelaan magacyada iyo Qoraalada ku qoran luuqadaha qalaad ee u adeegsadaan boorarka iyo Magacyada goobaha Ganacsiga.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Ciise Cismaan ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo bishaan May 2021 Maamulka Puntland uu bilaabi doono dib u eegista boorarka meelaha lagu dhejiyo ama goobaha Ganacsiga.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa cid kasta oo boorar dhegsanaysa ama goob Ganacsi magac ula baxaysa fartay in ay isticmaalan Af Soomaaliga, isla markaana la joojiyo adeegsiga luuqadaha qalaad.

Ugu dambeyn Wasaaradda ayaa tilmaamtay in Boorarka iyo magac bixinta la waafajiyo Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga, kaas oo faafinta rasmiga ah ku soo baxay 15 December 2020.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Puntland.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor