Hirshabeelle oo markale Baaq kasoo saartay Dagaal ka socdo Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Barlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiim Luqmaan Xaaji ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beleedka kasoo cusboonaaday deegaano hoos yimaada Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Dr Cabdixakiim Luqmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in beelaha dagaalamaya looga baahan yahay inay Colaalada ku joojiyaan, si shuruud la’aan ah, wuxuuna xusay in xilliga la taagan yahay Gobolka Hiiraan xamili karin colaad .

Sidoo kale Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhexmaray labada maleeshiyo beeleed, halka kuwa dhaawacmay uu u rajeeyay Caafimaad, kana dalbaday joojinta dagaalka.

Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa soo kala gaaray beelaha ku dagaalamayay deegaano hoostega Magaalada Baladweyne, waxaana dhowr jeer guulddareystay dadaalo lagu doonayay in lagu soo afjaro Colaada, iyadoona dagaalka uu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul-daaqsiyeed.

Magaalada Baladweyne ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Federaalka iyo Hirshabeelle oo halkaas u tegay sidii loo joojin lahaa dagaalka, isla markaana heshiis looga gaari lahaa Colaada kasoo cusboonaatay Gobolka Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor