Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay shaqada hakisay Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ka howlala deegaanada maamulkaas.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Arrimaha Diinta ee Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa waxaa Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada lagu wargeliyay in la hakiyay shaqadooda ilaa inta laga hubinayo habsami-u-socodka shaqadooda.
Sidoo kale Qoraalka ayaa Madaxda Shirkadaha waxaa lagu amray inay Xarunta Wasaaradda ku yimaadan muddo todobaad ah oo ka bilaabaneysa 18-ka Bishaan, isla markaana cidii imaan-weysa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasiir Cawil Sheekh Xaamid.