Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faah-faahin ka bixisay Natiijada kasoo baxday baaritaano lagu sameeyay shan ruux oo dhawaan lagu karantiilay Magaalada Garoowe, kuwaasi oo looga shakiyay inay qabaan Cudurka Coronavirus.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Jamac Farax Xasan oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa in 5 ruux oo afar kamid ah lagu sameeyay baaritaano ku aadan Coronavirus laga waayay Cudurka, halka midka kalena aan lagu sameeyn baaritaan, kadib markii laga waayay Calaamadaha Cudurka.
Afarta qof ee laga soo waayey Cudurka ayaa kala ah saddex Nin oo u dhashay Bangladesh ah iyo Nin Soomaali ah oo kasoo laabtay dalka Ingiriiska oo kamid ah dalalka uu sameeyay Cudurka Coronavirus.
Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa waxaa uu tilmaamay in xaaladdiisu ay ka soo hagaageyso qof kale oo dorraad lagu karantiiley Puntland, isla markaana laga qaaday baaritaano ku aadan COVID-19, wuxuuna qofkaas ka laabtay dalka Itoobiya.