Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Jowhar

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay Qarax Khasaaro geystay oo gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo geystay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda amniga Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isla markaana uu ka dhacay goob shaah lagu cabo oo ku taalla bartamaha Jowhar gaar ahaan halka laga raaco gaadiidka soo aada Muqdisho.

Sidoo kale Hirshabeelle ayaa sheegtay in qaraxaas uu ku dhintay hal ruux oo shacab ah, halka 5 qof kalena oo uu kamid ah yahay Xildhibaan ka Baarlamaanka Hirshabeelle uu soo gaaray dhaawac fudud.

“Waxaan u rajeneenaa inuu ilaahey Cafimad deg deg ah siiyo dadka dhawaca ah, qofka Shacabka ah ee ku dhintayna allaha unaxaristo samir iyo imaan ehelkiisa allaha kasiiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda amniga Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in laamaha amniga ay wadaan baaritaano kala duwan oo la xiriira qaraxii ka dhacay Magaalada Jowhar iyo sidii sharciga lagu horkeeni lahaa shaqsiyaadkii ka danbeeyay qaraxaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media