Dowlad Goboleedka Puntland ayaa mar kale ku celiyay mowqifkooda ku aaddan wax ka bedelka Dastuurka dalka, taasi oo dhawaanahaa uu ka taagan yahay muran iyo is-faham waa adag oo u dhexeeya Mucaaradka iyo Dowladda dhexe.
War-murtiyeed dhinacyo badan taabanayay oo kaoso baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu caddeeyay in tallaabooyinka ay qaadayso dowldda dhexe ay yihiin kuwo sharci-darro ah.
Qoraalka kaso baxay Puntland ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Baarlamaanka dalka aysan awood u laahyn in ay bedelaan Dastuurka dalka, waxaana tallaabada Madaxweynuhu qaadayo ku tilmaameen mid talo maroorsi ah oo aan sharci ku dhisnayn.